1. Home
  2. MAQAAL
  3. DAKHARADA KA MUUQDA GURYAHA,KUWA DADKA KU YAALLAA KA DARAN
DAKHARADA KA MUUQDA GURYAHA,KUWA DADKA KU YAALLAA KA DARAN

DAKHARADA KA MUUQDA GURYAHA,KUWA DADKA KU YAALLAA KA DARAN

0
0
xamar
Old Xamar — Photo credit unkown

Waxaa la ahaa waagaas bulsha han iyo himilo leh oo garaafkoodu kor u socday,   bulsho isku xiran oo dhan kastoo laga eegaba  isku qadarisa, marka laga soo tago Waalid,Walaal iyo Qaraabo waxaa xurma weyn loo hayay  qof kasta oo kaa Da’ weyn, Dariska, Macalinka,Xididka, Saaxiibka iyo wixii soo raaca, Iska daa Martida iyo socotada oo qoyskii ka seexda lagu dhaleceyn jiraye waxaa xataa si xushmad leh loola hadli jiray dadka Masaakiinta ah ee  Dawarsada, oo erayada loo adeegsan jiray ay ka mid ahaayeen “”ADEEG ALLA ,ALLAHA  NOO SAHLO  & Erayo kale oo naxariisi ka muuqato ”” ama  hadii la awoodo si Ubadka loogu tarbiyadeeyo wanaaga sadaqadu leedahay  inta wax loogu dhiibo lagu oran jiray “MAANDHOOW U GEE MISKIINKA”, mana  dhici jirin in gaadiidka dadweynaha qof weyn oo taagan  in uu qof yari kursiga ku fadhiyo waana tarbiyat ay bulshadu ka wada sinayd.

Gaadiidka Dadweynaha — Photo credit unknown

Sidoo kale dadku waxa ay ahaayeen kuwa xumaha wadajir ula dagaalama  oo iska daa dharaarta cade hadii ay saqda dhexe  dariska qeylo ka yeerto sida TUUG TUUG ama dagaal qoyska dhexdiisa ah qof walba oo maqla halkiisa ayuu uga soo gurman jiray weyna adkeyd in tuugada habeen socod ka ahí ay si fudud uga murad sadaan xaafadaha dhexdooda, sidoo kale inkastoo aysan badneyn oo la ceebsan jiray  muranka qoys ee Habeenimo hadana hadii la  is qabto xili dambe oo lagu soo kaco Diryaan kooda waa lagu soo bixi jiray  loomana kala tagi jirin ilaa xal laga gaaro reerkaas, MAANTANA LA ISKUMA SOO GALO OO XAAL ALLAA OG

Macalin Dugsi
Macalin Dugsi – Photo credit unknown

Dhanka kale waalidiintu Ubadkooda walwal badan kama qabin, waayoo  iska daa xumaan kalee hadii la arko Gabadhooda  oo Wiil wadada la taagan  ama gurigiisa la joogta ama Wiilkoodii oo fal xun sameynaya inta aaney ogaanba waalidkood  waxaa markiiba canaan iyo dagaal ku qaadi jiray waalidiinta kale ee dariska la ah ,hadii markale lagu arko falkii oo kalena waxaaba  loo gudbin jiray Waalidka dhalay  oo isaguna ahaa mid ay adag tahay inaad ka nabad gasho,waxaana la oran karaa dhaqan kaas ayaa sabab u ahaa in ay caruurtu ku barbaaraan nolol dagan oo ixtiraam iyo kala dambeyn leh, sidoo kale   barigaas  hadii ay caruurtu is dagaasho waxaa kala canaanan jiray  hadba waalidkii ama qof kastoo weyn oo ku soo hor mara iyadoo markaana ay sugeyso canaantii waalid kiis  iyo tii macalinka Dugsiga oo barbaarinta ubadka door weyn ku lahaa marka ma sahlaneyn in dagaal dariseedka lagu dag dago, MAANTANA  MACALIMIINTA WAABA LALA DAGAAL LAMAA.”Subhanallah”

Dadku  Miyiga mooyee Magaalooyinka Qabyaalada kuma dhaqmi jirin  ee waxa ay taa badalkeeda yaqaaneen Qaran iyo Soomaalinimo, waxa ayna laheyd Soomaalidu Qab ay kaga duwaneyd  bulshada kale oo Rabaaniya, bal u fiirso, Dadyowga  kale hadii Ruux Hooyo ah oo ilma yar sidata ay Buska ama Tareenka soo raacdo Ilmaha   ay sidato qof kasta waa ay u dhiiban kartaa si uu u caawiyo mana diidayo ilmuhu qofka kale ee qabtay, balse Caruurta Soomaalidu way  adag tahay in  qof aan Hooyadood ahayn ama aaney  bar garaneyn  ay qabato waayoo durba waa ay jir diidayaan oo waxaa ku jira Qab Alla ku abuuray   hadii lagu qasbana waxa ay dareenkooda  ku muujiyaan oohin, tan kale iska daa qof aysan aqoone yaraanka reerku ma ogola  in dhabta Hooyadiis ilmaha kale ee la dhashay ay ku fadhiistaan oo waa uu ka dagaalamaa arinkaa tabari meel ay dhig taba.

Wiil Yar iyo Askar
Wiil yar iyo Askar — photo credit unknown

Tan kale, Qab ka Soomaalida Alle uu ku beeray ma aheyn mid Caruurta oo  kaliya ku koobneyd ee wuxuu ahaa mid ka muuqday Qof kastoo Soomaaliya aan soo qaato sheekadaan oo  uu buugiisa DHAQANKA SOOMAALIDA ku qoray Dr Saadaq Eenoowtaas oo dhacday xiligii Gumeys taha Ingiriisku uu  ka talinayay Gobolada waqooyi ee Soomaaliya;- ”Jeneral Douglas Jordin oo ahaa ninkii jebiyay Daraawiishta, buugiisa The Mad Mullah, wuxuu ku qoray mar uu Sarkaal Ingiriis ahi uu su’aal weydiiyay  Nin Miyiga geel ku raacda oo magaalada Berbera yimid :-

Sarkaalkii : Dadka dunida ku nool yaa ugu sareeya ? .
Geel-jirkii : Soomaalida iyo Ingiriiska.
Sarkaalkii : Yaa ku xiga ?.
Geel-jirki : Carabta.
Sarkaalkii : Haddii idinka iyo Annaga aanu simanahay, sidee bay u suuragashay in aanu idiin imaano oo aanu maamul idiin samayno.
Geel-jirkii : Fursad ayaad hesheen oo keliya. Haddaan annagu fursaddaa heli lahayn, Annaga ayaa idiin iman lahayn
John Kirka
John Kirka — photo credit unknown

TUSAALE LABAAD:-Aduunyo gadaal u xun. !!!

Sir.John Kirka oo isticmaarka Ingiriiska Zanzibar u joogay sannadkii 1870, ayaa yiri: waxaan tagay Somalia,miyiga aniga oo marayo ayaa Oday Somalia oo geel wato isoo ag maray, markaa ayuu sanka qabsaday,turjubaankii ayaa weeydiiyay sababta.
Wuxuuna yiri: Gaalkan maqaarka cad oo uraya ayaan sanka ka qabsaday.
Sir.John ayaa qoraalkiisii Ku yiri, Somalidu waa dad qab weeyn,diintoodana Ku ad adag.Anniga oo isku heeysto in aan ka socdo dalka aduunka ugu xooga weyn ayuu iskala key weeynaa, yaab,qabkooda &hankooda ayaa ah, in dad ka sareeya ayna jirin.

“Maanta,kuwii uu John awoowe u ahaa oo gaboobay,ayay kuwii geel jiruhu awoowe u ahaa ay musqulaha ugu dhaqayaan Yurub & America, iyaga oo weliba Ku faraxsan . Yaana inkaaray?. Sideense uga baxnaa?..Jawaabtu waa xagaaga.” — Yahye Amir

Sifahaas iyo tusaalooyinka  kaloo  aan u soo qaatay Qormadeyda iyo kuwa kaloo ka dhacay dagalkeenaba waxay noo muujinayaan Qabkii  ay laheyd Soomaalidu iyo sida ay iskala weynaayeen dadyowga kale ee dunida, xaalad kastooy ku jireena Soomaalidu waxa ay aheyd kuwa neceb Gumeysiga iyo baryada shisheeyaha kuna faana Soomaalinimada Sida laga dhadhansan karo Suugaanta AUN Abwaan YamYam:-

“Ninkaan teydu soli Karin, Uma yeelo siduu rabo
Sida dunida qaarkeed, Sanduleynta ma ogoli,
Nina kabaha uma sido, Ninka iga sad roonoow
Siintaada magaca leh, Ogoow kaama sugayee,
Hana oran sasabo, baddow Dareen seexda ma lihiye
SOOMAALI BAAN AHAY”  — AUN Abwaan YamYam

Hadda halkaa yaanan ku faagaan waayoo gudbe maal mahaasi  iyo wixii la soo ahaaba ee aan u leexdo docda kale.

Wixii ka danbeeyay Sanadkii 1991-dii ayuu  si muuqata u soo shaac baxay Burburka Soomaaliya, inkastoo lagu kala aragti duwan yahay Sababaha keenay burburka ku dhacay Soomaaliya si kastaba haku yimaadee , waxa uu  xaalku faraha ka sii baxay  markii Colaadii Miyiga loo soo raray magaalooyinka, dagaalkiina uu noqday dagaal Siyaasadeed ay  Qabyaaladdu  garwadeen u tahay,  markaasna waxaa  dhacay wixii dhici lahaa, oo ah  Dhimasho, Dhaawac, barakac iyo in Dowladdii meesha ka baxdo,  sidoo kale in hubkii iyo goobiihii dowladu u gacangalaan shacabka ,  inkeydkii iyo Taariikhdii Umaddu lunto iyo in  la burburiyo dhismayaashii iyo bilicdii Magaalooyinka,  wixii markaa ka dambeeyay Dalku wuxuu noqday  mid dhex muquurtay colaado aan dhamaad lahayn oo taxane ah.

Halkaa markeey taagan tahay  runtii  Qaran jabkii nagu dhacay waxaa nooga darán  Qab  jabka nagu dhacay, waayoo wixii markaa ka danbeeyay  waxaan ahayn  HILBO HAADA U WARAN, waxaana markii aan is wada dubanay oo cududeenii is cuntay  gees  walbana colaadu gaartay uu noqday waxa aan ka  dhaxalnay  wixii laga dhaxlay oo ahaa in dalkii iyo dad kiiba islaburburaan, markase labadaa burbur aan isbarbar dhigno waxaan shaki ku jirin in  dal burburay  dib loo dhisi karo  hadii nabad yar la helo balse ey adag tahay sida dib  loogu dhiso Bulsho dhaqan ahaan Diin ahaan,akhlaaq ahaan,Qiyam ahaan  iyo nolol ahaanba u burburtay, oo magan u noqotay cadow goodii  markey iyagu is aamini waayen dabadeedna   uu  u  helay fursad uu ku kala qeybiyo kuna sii kala fogeeyo.

Qoraagii geeriyooday AUN Cabdulqaadir Oromo, ayaa  qeyb uu kaga hadlayo Buugiisa SABABAHA BURBURKA  SOOMAALIDA, waxa ay u qorneyd sidan:

““ Kutubta lagu keydiyo taariikhdii dunidu soo martay waxaa ku qoran Umado baab’ay ama Umado kale ku milmay kuwaasoo hayb qarameed-koodii {identity} ay luntay, waayadii hore dhulkii ay deganaayeenna ummaddo kale ka dhaxleen, sidaasna ku tirtirmay. Alle oo samatabixiya iyo iyadoo isdaba qabata mooyee, Soomaalida maanta in magaceedu lumo oo ay umaddo kale ku dhex milanto ayaa laga baqayaa.”

Hadalka Qoraaga waa walwal jira balse RABI NOOMA RUMEEYO,Aamiin.

 Bal u fiirso Soomaaliya dhib  kasta oo ay soo martay waxa maanta noo dhisan dowlad caalamku aqoonsan yahay waxaa laga soo kabanayaa noloshii dagaalada sokeeye,  meelaha nabada ah waxaa xowli  uga socda  Ganacsi balaaran, waxaa dib loo dayac tirayaa Dhismo yaashii colaadaha ku burburay, sidoo kale waxaa la dhisayaa kuwa kale oo hor leh oo casriya, waxaa meel walba laga bilaabay goobo Waxbarasho, kuwa Caafimaad,Tiknoolajiyad, iyo dhaqdhaqaqyo  kaloo fara badan oo  ku cajab galinaya,  weliba  qofkii  kaga cabir qaata quruxda dhismayaasha  badan ee laga dhisayo Soomaaliya waxa  uu rumaysanayaa inay Soomaaliya dib u soo noqotay, 

Balse hadii aad  Maskax fog  ku eegto   dhanka bulshada oo aaney  jirin cid u taagan dib u soo dhisiddeeda   halka  maanta aan  ka  taagan nahay…iyo Sida  Xurmadii  Diinteena  Suuban  ay   qaarna uga  baxeen qaarna isugu dilayaan, Sida loo dayacay Soomaali nimadii, Sida loogu kala tagay Midnimadii dalka, Sida Dhaqankii iyo Is-aaminkiiba  u lumay,Sida Damiirkii iyo Dadnimadi aan uga dhimanay, Sida Wadaniyaddii,Qabkii  iyo Dal jaceylkii aan u xoornay, Sida loo sii kala fogaanayo, Sida shisheeyaha loo daba socdo, Sida Cadowgeenu noo bahdilayo, Sida Naxariistii looga tagay, Sida,Xishoodkii,iyo Ixtiraam kiiba looga aradan yahay, Sida Gaalada loogu kala tartamayo, la isuguna jaajuusayo ,Sida dadkeenu dunida ugu dayacan yahay, iyo Sida  wax kasta oo aan  aheyn Colaadda ka hor looga dheelmaday waxaad oran laheyd.

“DAKHARADA KA MUUQDA GURYAHA,  WAXAA NOOGA DARAN  KUWA KU YAALLA DADKEENA.”

Ad Banner 728 x 90
Abdulkadir Dulyar Abdulkadir Farah Dulyar waa aasaasaha dulyarnews.com. sidoo kale wuxuu doorweyn ka qaataa curinta iyo soo diyaarinta qoraalo badan oo isugu jira maqaalo, sheekooyin iyo warbixino ku saabsam dhamaan umada Soomaaliyeed meel walbey dunida ka joogaan.

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published. Required fields are marked *