-Mucaaradku riwaayad bey Jilayaan,
-Shacabku riwaayad bey Jilayaan,
-Ciidamadeenu riwaayad bey jilayaan,
-Warbaahintu riwaayad bey jilayaan.
-Wadaadadu riwaayad bey jilayaan,
-Odayaashu dhaqanku riwaayad bey jilayaan.
-Madax Goboleedyadu riwaayad bey jilayaan,
-Facebooka qudhiisa riwaayad baa lagu jilayaa,
-Qurbaha kuwa joogana riwaayad bey jilayaan.
Tan iyo maalintaas waxaa 3-6 dii biloodba mar la maqlayay in boqolaal ciidamo ah oo loogu talagalay XASILINTA CAASIMADA tababar loo soo xiray waa ku dhawaad 12 sano, hadana waxa ay dowlad walba oo timaada ku guuleysan la’dahay marka labo loo qeybiyo 17-ka degmo ee Caasimada qeyb ka mid ah.
Waa wax aan maskaxda feyoow ee bini’aadamku eysan rumeysan karin, in dowladihii Soomaaliya loo dhisay ee Billions Dollars-ka lagu qasiray ee laga sugayay iney wax iska dhaxlaan oo la yimaadaan qorshe ay dalka oo dhan Nabad xasilooni siyaasadeed iyo nidaam dowladeed uga hirgaliyaan ayaa caasimadii oo kaliya qeyb ka mid ah xasilin waayay , sabatuna waa waxaan jirin wax wanaagsan oo ay iska dhaxlaan dowladaheenu waayoo mid waliba marka ay meesha ka tageyso ayay baa’isaa dhamaan raadadkeedii wanaagsanaa waxeyna ku fikirtaa iney feylo goyso oo ka daba shaqeyso si ta ka dambeysaa ay u dhibaatooto markaas ayay howl waliba noqotaa hada iyo kow.
-Midnimaa inna wada deeqdee,iyada ma raadinaa?
-Dalka ma difaacanaa ,mise waan iibsanaa?
-Sharaf iyo karaamo ma u wada noolaanaa mise gun-nimadaan baan ku jirnaa.?
-Nabad baa na wada deeqdee ma rabnaa,mise colaad baa weli inoo dhiman?
-Gacmaha ma is wada qabsanaa,mise waan kala tagnaa?
-Dhibka ma rabaa inaan ka baxno,mise waxaan rabnaa inaan ku jirno.?
-Ciidankeena Anagu ma dhisanaa,mise waan kala dirnaa?
-Dhaqaalaheena ma ku tashanaa, oo ma iska deynaa lacagaha Ajnabiga iyo kaalmada shisheeye?
-Kan dib inoo dhigaya ma iska diidnaa,mise waan daawanaa?
-Dulaaliinta nagu dhexjir ma iska qabanaa,mise waan kala difaacanaa,?
-Waxaan isku diidan nahay ma iska deynaa,oo waxaan ku mideeysan nahay ma doonnaa?
-Mustaqbalbalka ubadkeena ma ka fikirnaa, mise dhalmadaba waan joojinaa?
-Inagoo aan baqeyn oo cabsiyi nagu jirin,wadajir ma u sheegan karnaa waxa aan rabno.?
Muqdisho
Waafajintii allah ayaa naga maqan in xaalku sidaan ahaado Ilaahbaa qadaray,lkn waxay ahayd in la dadaalo,dadaalka laftigisii ayaa culays inaga haystaa markaa kaliya waxa inaga maqan inaan xaga allah u noqono hadii kale xaalku waligii saan ayuu ahanayaa.
Waa sidaas Wll, Mahadsanid
Raali waa iska nahay oo wax intaan ka daran ba nala yiraaddaaye
Balse awoowe waxaad modaa ina noqanany geed biyo ku dhex qalay oo geed biyo ku dhex qalay intu ku cagaari rabaa horta
Waad ku mahadsantahay qormadaan qiimaha badan.
Waa qormo xaqiiqda ka hadlaysa balse cidii yeeli lahayd aysan samaynayn
waad mahadsantahay Abdulqadir waxaadna ka mid tahay dadka fara ku tiriska ah ee dalkan waxa ka dhacaya u dhabagalay riwaayadu waa intii waayuhu ku badeen waqtigu haku baro soomaali hal god ayaa labaatan jeer laga qaniinay waana madda nacas oo kaliya ku dhacda (qormadaana waa hadal wax ogaal iyo aragti meel dheer u qotanta ee dadow dib ha laisugu laabto
Thanks ustaad